Get 50% of discount now !
Su'aalo iyo Jawabo (Maadi)
Su'aal: Sheeg nooca dhiiga AB nooca kale ee dhiig ee uu qaadan karo?.
Jawaab: Waxa uu qaadan karaa dhammaan noocyada kale ee dhiigga.
Su'aal: Sheeg magaca qanjirka ugu weyn jirka bini’aadamka?
Jawaab: Waa beerka.
Su'aal: Sheeg magaca caalimkii ugu horreeyey dawladaha islaamka ee ku guuleystay abaalmarinta Nopel Prize ee cilmiga fiisigiska iyo dalka uu u dhashay?
Jawaab: Waa Prof: Max’ed C/salaam waxa uu u dhashay dalka Pakistan.
Su'aal: Sheeg xubinta jirka bini’aadamka ee adeegsata 40% Oksijiinta dhiigga?
Jawaab: Waa Maskaxda.
Su'aal: Sheeg magaca xayawaanka keliya ee u seexda dhabarka?
Jawaab: Waa bini’aadamka.
Su'aal: Sheeg waxa sababa bidaarta?
Jawaab: Waxaa sababa marka qofku ku yaraado hormoonka Androjiin.
Su'aal: Sheeg nooca cunto ee aan isbeddelayn muddo dheer?
Jawaab: Waa malabka.
Su'aal: Sheeg xayaanka aan awoodin inuu soo bixiyo carrabkiisa?
Jawaab: Waa Yaxaaska.
Su'aal: Sheeg xayawaanka aan awoodin inuu samada eego?
Jawaab: Waa Doofaarka?
Su'aal: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka geela?
Jawaab: Waxa uu noolaan karaa 25 sano.
Su'aal: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka Faraska?
Jawaab: Waxa uu noolaan karaa 35 sano.
Su'aal: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka Maroodigu?
Jawaab: Waxa uu noolaan karaa 70 sano.
Suaal: Wadarta shan tiro oo kisi ah oo isku xiga ayaa ah 125. Sheeg shantaas tiro?
Jawaab: Waa 21, 23, 25, 27, 29.
Su'aal: Wadarta afar tiro oo dhaban ah ayaa ah 100. Sheeg afartaas tiro?
Jawaab: Waa 22,24,26,28
Su'aal: Waa immisa garaaca wadnaha qofka caadiga ah ee qaagaarka ah daqiiqaddiiba?
Jawaab: Waa 70
Su'aal: Sheeg xubinta ka midka ah jirka bini’aadamka ee gaarsiisa Fitimiinaadka qaybaha
Kale ee jirka ama kaydisa fitimiinka ilaa jirku uga baahdo?.
Jawaab: Waa beerka.
Su'aal: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee la sameeyo beeridda wadnaha?
Jawaab: Waxa uu ahaa sanadkii 1976kii.
Su'aal: Waa immisa tirada lafaha ee ku jira jirka bini’aadamka?
Jawaab: Waa 206 lafood.
Su'aal: Waqti intee la ‘eg ayey maskaxda bini’aadamku noolaan kartaa marka qofka
wadnuhu istaago?
Jawaab: Waxa uu noolaan karaa 10 daqiiqo.
Su'aal: Waqti intee la eg ayey noolaan kartaa dhegta bini’aadamku ka dib marka qofka
wadnuhu istaago?.
Jawaab: Waxa uu noolaan karaa 1 (hal) saac.
Su'aal: Sheeg magaca maaddada dhiigga u yeesho midabka casaanka?
Jawaab: Waa maaddada Ogsijiinta.
Su'aal: Immisa jeer ayuu neefsadaa qofka bini’aadamka maalintii?
Jawaab: 23,000 mar.
Su'aal: Waa immisa boqolkiiba Oksijiinta ku jirta biyaha?
Jawaab: Waa 80%.
Su'aal: Waa immisa Kiilo miisaanka ilmaha caadiga ee dhasha?
Jawaab: Waa 3 Kiilo.
Su'aal: Nin ayaa da’diisu tahay 71 jir, da’da wiilkiisuna tahay 35 jir. Goorma ayey ahayd
da’da aabbuhu saddex laabka da’da wiilkiisa?
Jawaab: Waxay ahayd marka aabbuhu jiray 54 sano, da’da wiilkuna ahayd 18 sano.
Su'aal: Boqolkiiba immisa ayaa biyo ah qaybta balaasmaha ee dhiigga bini’aadamka?
Ju'aal: Waa 92%.
Su'aal: Waa immisa tirada lafaha feeraha bini’aadamka?
Jawaab: Waa 24 lafood.
Su'aal: Waa Immisa boqolkiiba biyaha ku jira Khudaarta?
Jawaab: Waa 70%.
Su'aal: Waa immisa tirada murqaha bini’aadamku u adeegsado marka uu hadlayo?
Jawaab: Waa 44 muruq.
Su'aal: Wiil ayaa aabbihiis ku yiri: da’daada maanta waa saddex laabka da’dayda, laakiin
laba iyo toban sano ka dib da’daadu waxay noqon doontaa laba laabka da’dayda.
Sheeg da’da wiilka iyo da’da aabbaha?
Jawaab: Da’da wiilku waa 12 sano, da’da aabbuhuna waa 36 sano.
Su'aal: Sheeg magaca halbeegga lagu cabbiro xoogga korontada?
Jawaab: Waa Ambiyeer.
Su'aal: Sheeg magacyada shanta curiye ee samaysa borotiinka?
Jawaab: Waxa ay kala yihiin Kaarboon, Hayraojiin, Oksijiin, Naytarojiin, Kibriit.
Su'aal: Immisa garaam oo borotiin ah ayuu u baahan yahay qofka qaangaarka ah
maalintii?
Jawaab: Waxa uu u baahan yahay 100 garaam.
Su'aal: Immisa lafood ayuu ka kooban yahay wejiga bini’aadamku?
Jawaab: Waxa uu ka kooban yahay 14 lafood.
Su'aal: Waa immisa kiilo garaam qiyaas ahaan miisaanka beerka qofka caadiga ah?
Jawaab: Waa 1.5 kg (hal iyo bar kilo garaam).
Su'aal: Sheeg waxa ku dhacaya qofka haddii ay ay ku yaraadaan kaalsiyamka iyo
foosfoorka?
Jawaab: Waxaa ku dhacaya in ay lafuhu jilcaan ama tabar beelaan.
Su'aal: Waa immisa fogaanta qorraxdu u jirto cirka
Jawaab: Waa 149,000,000 km. (Boqol afartan iyo Sagaal Malyan km)
Su'aal: Sheeg magaca caalimkii lagu naanaysi jiray aabbihii cilmiga Kimistariga?
Jawaab: Waa Jaabir Bin Xayaan.
Su'aal: Sheeg magaca qofkii hindisay cod baahiyaha (Makarafoonka)? , dalka uu u dhashay iyo sanadkii uu hindisay?
Jawaab: Waxaa hindisay Ernst Werner von Siemens oo u dhashay dalka jarmalka sanadkii 1877kii.
Su'aal: Sheeg magaca qofkii hindisay Raadaarka? dalka uu u dhashay iyo sandkii uu hindisay?
Jawaab: Waxaa hindisay Watson Wat oo u dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1935kii.
Su'aal: Sheeg macnaha magaca pakistaan?
Jawaab: Waa dhulki daahirka ahaa.
Su'aal: Waxaad sheegtaa magaalo ku yaasha, laba qaaradood dhaxdooda?
Jawaab: Waa magaalada istaanbuul.
Su'aal: Sheeg sanadki la-asaasay ururka ay ku mideysan yihiin dawlahada dhaxdhaxaadkaa?
Jawaab: 1961- ayaa la aasaasay.
Su'aal: Waxaad sheegtaa sanadki uu dhacay af-duubki diyaaradeed ee ugu horeeyay?
Jawaab: Wuxuu ahaa 1931 gi.
Su'aal: Sanadkee ayaa la bilaabay bixinta abaalmarinta Nobel peace prize?
Jawaab: Wuxuu ahaa 1901 di.
Su'aal: Sanadkee ayaa la aasaasay wakaalada warbaahinta ee Reuter?
Jawaab: Sanadki 1851 gi.
Su'aal: Goorma ayaa la-asaasay ururka midowga Africa?
Jawaab: Sanadki 1963 di.
Su'aal: Halkee ayey ku yaashaa xarunta ururka midowga Africa?
Jawaab: Magaalada Adis abab Ethiopia.
Su'aal: Sanadkee ayuu mamnuucay dilka dalka faransiiska?
Jawaab: Wuxuu mamnuucay 1981 gi.
Su'aal: Goorma ayaa la soo saaray raadyaha?
Jawaab: Sanadki 1906 di ayaa la soo saaray.
Su'aal: Goorma ayaa la soo saaray shucaaca leyzarka?
Jawaab: Sanadki 1958 di ayaa la soo saaray.
Su'aal: Goorma ayaa la sameeyay hayada UNESCO?
Jawaab: Waxaa la sameeyay 1946 di.
Su'aal: Sanadkee ayaa la sameeyay sanduuqa lacagaha aduunka?
Jawaab: Sanadki 1945 ti, ayaa la sameeyay.
Su'aal: Sheeg qofki sameeyay bistoolada iyo sanadki la sameeyay?
Jawaab: Waxaa sameeyay Samuel colt, sanadku 1835 ti.
Su'aal: Yaa hindisay telefoonka iyo sanadki la hindisay?
Jawaab: Waxaa la hindisay sanadki 1876 di, waxaa hindisay Graham bell.
Su'aal: Sheeg marki ugu horeysay ee dadku tageen dayaxa?
Jawaab: Waxay ahayd 1969 ki.
Su'aal: Goorma ayey boqortooyada sacuudiga qaadatay magacan?
Jawaab: Waxay ahayd 1932 di.
Su'aal: Goorma ayuu geeriyooday hogaamihi carbeed ee jamal cabdinasir?
Jawaab: Wuxuu dhintay 1970 ki.
Su'aal: Goorma ayey midoobeen labada dal ee masar iyo suuriya?
Jawaab: Waxay ahayd 1937 di.
Su'aal: Dalka masar goorma ayuu ku biiray qaramada midoobay?
Jawaab: Sanadki 1945 ti.
Su'aal: Sanadkee ayuu dagay markabki titanic-ga.
Jawaab: Wuxuu ahaa 1912 di.
Su'aal: Ima jeer ayuu qofku neefsadaa maalin kasta?
Jawaab: 20 kun oo jeer ayuu qofku neefsadaa malinkasta.
Su'aal: Goorma ayaa la sameeyay kiniinka ka hortaga uurka?
Jawaab: Waxaa la sameeyay 1960 ki.
Su'aal: Meeqa badood ayaa mara dalka Somalia.
Jawaab: Waxaa mara 2 badood.
Su'aal: Sanadki meeqa jeer ayey bisadu dhali kartaa?
Jawaab: Waxa ay dhali kartaa 3 jeer.
Su'aal: Sheeg xayawaanka aan codka lahayn?
Jawaab: Waa Geri.
Su'aal: Sheeg magaalada ugu qadiimsan caalamka?
Jawaab: Waa magaalada dimishiq.
Su'aal: Shibrkee dhala ukumaha ugu waawayn?
Jawaab: Waa goroyada.
Su'aal: Waakee boqorki asaasay boqortooyadi sacuudiga?
Jawaab: Boqor cabcasiis binu mascuud.
Su'aal: Meeqa lafood ayuu leeyahay qofka qan-gaadhka ah?
Jawaab: Waxa uu leeyahay 206 lafood.
Su'aal: Sheeg dalka soo saara bunka ugu badan caalamka?
Jawaab: Waa dalka Brazil.
Su'aal: Waa imisa dhererka wabiga niil?
Jawaab: Waa 6648 km
Su'aal: Sheeg dawlada ugu yar caalamka?
Jawaab: Waa dawlada faatikaanka.
Su'aal: Sheeg dalki laga qoday ceelki shidaalka ee ugu horeeyay.
Jawaab: Waa dalka maraykanka.
Su'aal: Sheeg sanadki la aasaasay gaashaan buurta nato?
Jawaab: Waa 1948 di.
Su'aal: Sheeg dalka ugu xeebta dheer caalamka?
Jawaab: Waa dalka Canada.
Su'aal: Sheeg dhirir ka xeebta Canada ?
Jawaab: waa 2002,080 km.
Su'aal: Sheeg xayawaanka uu dhiigiisu yahay buluuga?
Jawaab: Waa Caarada.
Su'aal: Sheeg xayawaanka ugu xaragada badan?
Jawaab: Waa lo’da.
Su'aal: Meeqa sano ayuu nolaan karaa bakaylaha?
Jawaab: Wuxuu noolaan karaa 8 sano.
Su'aal: Meeqa litir oo biyo ah ayuu cabaa geela halki mar?
Jawaab: Wuxuu cabi karaa 70 liter.
Su'aal: Sheeg sanadki la sameeyay xanjada buufinta?
Jawaab: 1928 di, ayaa la sameeyay.
Su'aal: Goorma ayaa la sameeyay bacdi ugu horeysay?
Jawaab: Waxaa la sameeyay 1909 kii.
Su'aal: Yuu ahaa ninki soo saaray doorbin ama diirada?
Jawaab: Waxa uu ahaa Galiliyo.
Su'aal: Goorma ayaa la sameeyay muuqaalki ugu horeeyay caalamka?
Jawaab: Waxaa la sameeyay 1931 dii.
Su'aal: Waxaad sheegtaa ninki ugu horeeyay ee sameeyay gaadhiga?
Jawaab: Kaarlo beensa ayaa la dhahaa.
Su'aal: Sheeq qaabka lagu sameeyo miskiga?
Jawaab: Waxaa laga sameeyaa dhiiga sagaarada.
Su'aal: Meeqa sano ayuu libaaxu uurka ku sidaa ilmihiisa?
Jawaab: Waxa uu ku sidaa 106 maalmood.
Su'aal: Muxuu kaluunku u seexdaa isagoo indhihiisu furan yihiin.
Jawaab: Malaha xiribo uu ku daboolo.
Su'aal: Sheeg xayawaanka aan seexanin?
Jawaab: Waa Raha.
Su'aal: Sheeg xayawaanka ugu cimriga dheer?
Jawaab: Waa malayga cirifka waqooyi.
Su'aal: Meeqa lugood ayey caaradu leedahay?
Jawaab: Waxa ay leedahay 8 lugood.
Su'aal: Masaafo intee dhan ayuu yeygu ka uriyaa ugaartiisa?
Jawaab: Waxa uu ka uriyaa 3.2 km
Su'aal: Sheeg ninku ugu horeeyay ee duuliya dayax gacmeed iyo wadankiisa?
Jawaab: Wuxuu ahaa yuuri gaagariin, dalka ruushka ayuu u dhashay.
Su'aal: Sheeg waxa kaliya ee indhooluhu arko?
Jawaab: Waxa kaliya ee qofka indhoolaha ah uu arko waa riyada.
Su'aal: Sheeg wakhtiga uu nibirigu ilmaha uurka ku sido?
Jawaab: Waa hal sano.
Su'aal: Sheeg wadanki ugu horeeyay ee soo saara sonkorta?
Jawaab: Waa dalka Cuba.
Su'aal: Waxaad sheegtaa xawayaanka istaaga ku seexda?
Jawaab: Waa faraska.
Su'aal: Waxaad sheegtaa waxaan waligaa kaa hadhaynin?
Jawaab: Waa camalkaada.
Su'aal: Sheeg goorma ayaa farta somaliga la-qoray?
Jawaab: Waxaa la qoray 1972 di.