Get 50% of discount now !
Su'aalo iyo Jawabo (Diini)
Su'aal: Sheeg ninkii nebi ahaa boqorkana ahaa ?
Jawaab: Wuxuu ahaa Nebi Suleymaan Cs.
Su’aal: Sheeg Boqortooyadii Nebi Suleymaan imisa sano ayey dhisneyed?
Jawab: Waxa ay dhisneyd 40 Sano.
Su’aal: Sheeg imisa jir buu-ahaa markuu Nebi Suleymaan Cs Aabihiis xukunka kala wareegaayey?
Jawab: Waxa uu ahaa 12 sano jir.
Su’aal: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta?
Jawaab: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.
Su’aal: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?
Jawaab: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.
Su’aal: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?
Jawaab: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.
Su’aal: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
Jawaab: Waa masaajidka Qubaa ee madiina ku yaalo.
Su’aal: Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
Jawaab: maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.
Su’aal: Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
Jawaab: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.
Su’aal: Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaab: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.
Su’aal: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga (NNKHA),sixray?
Jawaab: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.
Su’aal: Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaab: Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.
Su’aal: Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
Jawaab: waxay ahayd Nebi Muuse (cs) hooyadii
Su’aal: Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
Jawaab: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.
Su’aal: Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
Jawaab: Waxay ahayd suuradu Daahaa.
Su’aal: Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?
Jawaab: Waa suuratu Mulk (Tabaarak).
Su’aal: Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?
Jawaab: waa aayada u danbeysa suurada Al-fatax.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isaga oon weligii Alle u sujuudin?
Jawaab: Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas
Su’aal: Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
Jawaab: Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad
Su’aal: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
Jawaab: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada
Su’aal: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?
Jawaab: Abuu Bakar as-Sadiiq iyo C/raxamaan binu Cawf
Su’aal: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
Jawaab: Waa sanadkii ay dhimatay Khaddiija binti Khuweylad, iyo Abuu daalib.
Su’aal: Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
Jawaab: Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara
Su’aal: Jannada yaa ugu hor gelaaya?
Jawaab: Waxaa ugu hor gelaaya Nabigeena Muxammed (NNKHA)
Su’aal: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
Jawaab: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo.
Su’aal: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
Jawaab: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.
Su’aal: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
Jawaab: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.
Su’aal: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi saciid Alkhudriyi?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC).
Su’aal: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?
Jawaab: Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
Jawaab: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?
Jawaab: Waxay ahayd Khaddiija bintu khuweylad (RC).
Su’aal: Waa kuma sayidka shuhadadu?
Jawaab: Waa Xamsa binu Cabdi mudalib (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?
Jawaab: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?
Jawaab: Cabdullaahi binu Zayid (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu (NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
Jawaab: Waa Suuratu, Al-Fatax.
Su’aal: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
Jawaab: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.
Su’aal: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Sakab.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?
Jawaab: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
Jawaab: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?
Jawaab: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi (RC)
Su’aal: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebiga (NNKHA)?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan (RC).
Su’aal: Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
Jawaab: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
Jawaab: Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
Jawaab: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
Jawaab: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
Jawaab: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
Jawaab: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
Jawaab: Waa Sacad bin Mucaad (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
Jawaab: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
Jawaab: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).
Su’aal: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
Jawaab: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Magaca Abi Bakar as-Saddiiq?
Jawaab: C/laahi binu Qaxaafa .
Su’aal: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
Jawaab: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.
Su’aal: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
Jawaab: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.
Su’aal: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
Jawaab: Cuthmaan bin Cafaan R.C.
Su’aal: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
Jawaab: Waa Salaadda.
Su’aal: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
Jawaab: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).
Su’aal: Naarta yaa ugu hor gelaya qiyaamaha?
Jawaab: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.
Su’aal: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
Jawaab: Waa Ubaya bin Khalaf .
Su’aal: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
Jawaab: Waxuu ahaa Xudeyfah ibnu al-Yamaan (حذيفه).
Su’aal: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
Jawaab: Waxuu ahaa Tamiimuddaari (تميم الدار).
Su’aal: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuucda iyo sujuuda?
Jawaab: Waa salaada janaasada
Su’aal: Waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israa’iil
Jawaab: Waa Nabiyullaahi Ciisa (cs)
Su’aal: Laba Nabi oo walaalo ah isku mar dhintay.
Jawaab: Waa nabi Muuse iyo nabi Haaruun (cs)
Su’aal: Waxaa sheegta Cuthmaan Binu Cafaan naanaystiisii (RC)?
Jawaab: Waxa uu ahaa (Dii’Nuurayn)
Su’aal: Sheeg samada labaad magaceeda?
Jawaab: Waxa la dhaha (Macuun).
Su’aal: Waxaad sheegtaa saxaabiggii qoorta ka jaray ninkii (Ash-Shahaatay)
Su’aal: Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
Jawaab: Meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa.
Su’aal: Sheeg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?
Jawaab: Wuxu soo dagaayey 23 sano.
Su’aal: Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?
Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi.
Su’aal: Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?
Jawaab: wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
Su’aal: Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?
Jawaab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
Su’aal: Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
Jawaab: Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
Su’aal: Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?
Jawaab: Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
Su’aal: Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
Jawaab: Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
Su’aal: Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?
Jawaab: Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo Rukhiya muxammed rc.
Su’aal: Sheeg maxay kala yihiin Muhaajiriin iyo Ansaar?
Jawaab: Waxay kala yihiin labo (2)
-Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii Makka ka timid oo timid madiina.
-Ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid.
Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Asxaabigii uu Rasuulka (NNKH) ku magacaabay Allmiinka umadaan?
Jawab: Wuxu ku magacaabay Abii Cubeyda Caamir Bin Jaraax (RC).
Su’aal: Sheeg maxaa la’oran jiray godkii ay galeen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-Bakar (RC) markii ay Madiina u hijroon nayeen?
Jawab: Waxaa la’oran jiray Godkii Dibiga (Qaaru Thowr)
Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
Jawab: Wuxu ahaa Abuu Ayuub Al ansaari (RC).
Su’aal: Sheeg Malaa’igtaan soo socota mid waliba waxa uu Alle u wakiishay:
-Jabriil
-Miikaa’iil
-Cazraafiil
-Ridwaan
-Maalik
Jawab:
-Alle wuxu u wakiishay Jabriil waxyiga.
-Alle wuxu wakiishay Miikaa’iil Roobka.
-Alle wuxu u wakiishay Cazraafiil Nafta inuu qaado.
-Alle wuxu u wakiishay Ridwaan Janada, waana kan Janada furaheda haaya.
- Alle wuxu u wakiishay Maalik Naarta kan furaheeda haaya.
Su’aal: Sheeg Shan arimood oo Rasuulkeena (NNKH) iyo Ummadiisa looga fadilay Dhamaan ummadihii ka horeeyey?
Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa loo-diray
-Jini iyo Insi,
-Shafeecada aakhiro oo la-siiyey,
-Dhulka oo dhan oo daahir looga dhigay,
-Qaluubta gaalada oo cabsi loogu riday,
-Qaniimada oo loo-fasaxay.
Su’aal: Sheeg Eey-gii galay Janada?
Jawab: Wuxuu ahaa Eey-gii la-socday Reer asxaabu kahfi.
Su’aal: Sheeg Gaal-kii ilaahaynimada sheegtay ee misana qabay Naag Muslimad eheed?
Jawab: Wuxuu ahaa Fircoon.
Su’aal: Sheeg UBadka aan Aabe mooyee Awoow laheyn?
Jawab: Waa Ilma Aadan (cs).
Su’aal: Sheeg Qofka aan Hooyo mooyee Aabo laheyn?
Jawab: waa nebi Ciise )cs).
Su’aal: Sheeg salaada aan aadaan iyo aqim mid lahayn?
Jawab: Waa salaada ciida.